Pep Guardiola Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Kadib Bar-Barihii Arsenal Iyo Man City.

Pep Guardiola ayaa aaminsan in Liverpool ay haatan ugu cad-cad tahay ku guuleysiga horyaalka Premier League ka dib markii Manchester City ay barbaro goolal la’aan ah la gashay Arsenal Axadii.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa lagu qasbay in ay gadaal ka soo laabtaan iyaga oo uga mahad celinaya Diaz iyo Salah oo ku hogaamiyay guul soo laabasho leh oo ay ka gaadheen Brighton kulan ka dhacay Anfield.

Arsenal iyo City ayaa galay bar-baro kulan ka dhacay Etihad Iyaga oo ku kala baxay bar-baro 0/0 ah.

Natiijadaas ayaa la macno ah in ay Liverpool haatan 2 dhibcood ka horayso kooxda Arsenal halka ay 3 dhibcood ka horayso Man City.

Guardiola ayaana haatan aaminsan in ay Liverpool ugu cad-cadahaya ku guulaysiga horyaalka premier League.

Mar la waydiiyay in Liverpool ay hadda ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka, Guardiola ayaa ku jawaabay”Haa, Mar walba kooxda ugu horaysa ayaa ugu cad-cad”.

“Cidda labaad ee ugu cadcad waa Arsenal, annaguna kooxda 3-aad ayaan nahay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga