Pep Guardiola Oo Magacaabay Halka Xiddig Ee Ay Koox Walba Oo Premier League Ah Doonayso In Ay La Saxiixato.

Pep Guardiola ayaa qirtay in Arsenal ay ku guuleysatay bakhtiyaanasiibka iyaga oo xagaagii kala soo wareegay Declan Rice West Ham.

Gunners ayaa jabisay rikoodhkeeda suuqa iyaga oo kula soo saxiixday xiddiga reer England 105 milyan oo euro.

City ayaa Arsenal kula tartantay saxiixa xiddiga 25 jirka ah laakiin kooxda Arsenal ayaa ku guulaystay sxiixiisa.

Rice ayaa tan ilaa markii uu kooxda ku biiray muujiyay in uu u qalmo lacagtii laga bixiyay isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxdana ka caawiyay in ay u tartanto horyaalka premier League.

Isagoo hadlayay ka hor kulanka Axada, Gaurdiola ayaa wax laga weydiiyay ku guul dareysiga City inay la soo wareegto Rice wuxuuna yiri: ‘Waxaan u maleynayaa in dhammaan kooxaha Premier League ay rabi lahaayeen saxiixa Declan Rice”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga