Pep Guardiola Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Xulka Qaranka England.

Pep Guardiola ayaa sheegay in ay wax walba dhici karaan marka laga hadlayo tallaabadiisa xigta ee kubada cagta iyada oo tababaraha reer Spain lala xidhiidhinayo xulka England.

England ayaa baadi goob ugu jirta tababare cusub ka dib markii Gareth Southgate uu iska casilay xilka ka dib Euro 2024 iyadoo Lee Carsley uu si ku meel gaar ah u sii hayay xilkaas.

Waxaa lagu soo waramayaa in Carsley uusan wax xiiso ah u qabin inuu shaqada si buuxda u qabto iyadoo Guardiola uu ka mid yahay kuwa loo arko inuu yahay bedelka suurtagalka ah.

Qandaraaska Guardiola ee Manchester City ayaa dhacaya xagaaga, taasoo la micno ah inuu awood u yeelan doono in uu meesha uu doono aado kadib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin markii wax laga waydiiyay in uu ku soo wajahan yahay in uu qabto shaqada, Guardiola ayaa yidh”Weli xirfadayda kama dhamayn Manchester City, wali waa in aan ka fikiraa”.

“Run ma ahan in aan noqon doono tababaraha xulka qaranka England, wali wax go’aan ma gaarin, hadii aan go’aansan lahaa mustaqbalkayga Manchester City waxaan dhihi lahaa sidaas, wax walba ayaa dhici kara nolosha”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga