Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Pedri, ayaa ammaan weyn u jeediyay saaxiibkiisa Lamine Yamal, isaga oo sheegay in da’yarka reer Spain aan loo baahnayn in lala barbar dhigo ciyaaryahan kale, gaar ahaan halyeeyga Lionel Messi.
Pedri ayaa aaminsan in isbarbardhigga Lamine Yamal iyo Messi uu yahay arrin adag, maadaama xiddigii hore ee Barcelona loo arko mid ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa taariikhda kubadda cagta.
“Aniga ahaan, Lamine waa inaan cidna lala barbar dhigin, sababtoo ah in lala barbar dhigo Leo Messi waa arrin adag. Inaad naftaada la barbar dhigto ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta ma aha wax fudud,” ayuu yiri Pedri.
Si kastaba ha ahaatee, Pedri ayaa si cad u muujiyay sida uu u qiimeeyo tayada iyo awoodda Lamine Yamal, isaga oo ku tilmaamay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.
Hadalkan ayaa muujinaya kalsoonida weyn ee uu Pedri ku qabo saaxiibkiisa, kaas oo door muhiim ah ku leh qorshaha Barcelona, isla markaana laga filayo inuu sii horumariyo ciyaartiisa sannadaha soo socda.
Dhanka kale, Pedri ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka la wada sugayo ee dhex mari doona Paris Saint-Germain iyo Barcelona, isaga oo saadaaliyay in uu noqon doono kulan heer sare ah oo ay taageerayaashu ku raaxaysan doonaan.
“PSG iyo Barcelona waxay ciyaari doonaan mid ka mid ah kulamada ugu wanaagsan ee suurtagalka ah, haddii uusanba noqon kulanka ugu fiican. Waxaan rajaynayaa in taageerayaashuna ay ku raaxaystaan,” ayuu yiri xiddiga reer Spain.
Kulamada u dhexeeya PSG iyo Barcelona ayaa inta badan soo jiita indhaha taageerayaasha kubadda cagta, maadaama labada kooxood ay leeyihiin ciyaartoy tayo sare leh iyo taariikh kulamo xiiso badan leh.

