
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Owen Hargreaves ayaa ku taageeray Chelsea inay ku dhameysato kaalinta afaraad ee Premier League xilli ciyaareedka cusub ee 2025/26.
Hargreaves ayaa sidoo kale farta ku fiiqay xiddigo ay ka mid yihiin Estevao Willian, Cole Palmer iyo Joao Pedro si ay ugu hogaamiyaan Chelsea u soo bixitaanka Champions League.
Isagoo u hadlayay TNT Sports, ninka reer England wuxuu yiri: “Estevao iyo Palmer oo uu wehelinayo Joao Pedro”.
“Taas macnaheedu waa, haddii Chelsea ay kooxda ku darto goolhaye waxay ku jiri doontaa afarta sare, hubaal.”
Chelsea ayaa ku dhameysatay booska afaraad ee kala sareynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Kooxda Enzo Maresca ayaa dhawaan ku guuleysatay koobka FIFA Club World Cup ka dib markii ay finalka ku garaaceen Paris Saint-Germain.
Be the first to comment