Onana Oo Magacaabay Xiddig Dili Kara Man City Kulanka Sabtida.

Andre Onana ayaa ku taageeray Marcus Rashford in uu dilo Man City kulanka Final-ka FA Cup-ka ee Sabtida.

Rashford ayaa ku jira qaab ciyaareed Liita xilli ciyaareedkan waxana uu isku dayi doonaa in uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo xidho xilli ciyaareedka.

Onana ayaa sheeay in uu Rashford dhalin karo goolal kulanka Final-ka tartanka FA Cup-ka.

“Immisa gool ayuu dhaliyay Marcus Rashford xilli ciyaareedkii hore? Imisa gool ayuu dhaliyay xilli ciyaareedkan? Waxaan ka hadlaynaa isla ciyaaryahan isku mid ah”Ayuu Onana yidhi.

“Sidaas darteed xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa ciyaartoy fiican xilli ciyaareedkana waa mid xun? uma malaynayo sababta oo ah waxa aad qaadan kartaa xilli ciyaareed xun inkasta oo aad tahay ciyaartoy fiican”.

“Rashford aniga ahaan waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka laakiin waxa uu wajahayaa wakhti ada”.

“Laakiin waa uu soo laaban doonaa, waxa laa yaabaa in uu dilo Man City kulanka Sabtida”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga