Halyeeyga Man United ee Garry Neville ayaa sheegay halka boos ee ay Man United kaga fiicantahay Liverpool.
Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa a labada kooxood ee ugu taariikhda weyn waxana mar walba la is bar-bar dhigaa koox ahaan.
Neville ayaa sheegay halka ay Man United kaga fiicantahay Liverpool kadi markii la ciyaaray todobaadkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.
Neville ayaa yiri: “Ma dhihi lahaa way ka sarreeyaan marka la eego aag gaar ah. Waxaan qabaa in Liverpool ay haysato koox ka fiican Man United, Liverpool waxa ay haysataa weeraryahano ka fiican Man United”.
Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii uu ururiyay fikradihiisa, Neville ayaa markaa helay sababtiisa. “Waxaan u maleynayaa in khadka dhexe,” ayuu yiri.
“Haddii aan eego ciyaartoyda khadka dhexe ee Manchester United oo aad qiimayso”.
“Waxay ila tahay marka aad eegto xiddigaha Wataru Endo, Dominik Szoboszlai iyo Alexis Mac Allister ay si fiican ugu ciyaareen Klopp xilli ciyaareedkii hore”.
“Runtii waxaan su’aal ka keenayaa in seddexdaas khadka dhexe ay si fiican u ciyaari karaan xilli ciyaareedka oo dhan, hadii ay mar kale u ciyaaraan waan qiran doonaa khaladkayga”.
“”Waxaan u maleynayaa in Manchester United ay Ku fiicantahay khadka dhexe marka loo eego Liverpool”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment