Neville: Man United Haatanba Go’aan Ayay Ka Gaadhay Mustaqbalka Ten Hag.

Gary Neville ayaa aaminsan in go’aan laga gaari doono haddii Erik ten Hag uu sii joogi doono Manchester United xilli ciyaareedka soo socda.

Milkiilaha cusub ee kooxda Man United Sir Jim Ratcliffe ayaa lagu soo waramayaa in uu la wareegay suuqa kooxda iyo waliba shaqaalaysiinta.

Sir Jim Ratcliffe ayaa keenay Omar Berrada oo uu kala soo wareegay kooxda Man City waxana ay isku dayayaan in ay Newcastle kala soo wareegaan agaasimaha Dan Ashworth.

Arintan ayaana Neville u sheegtay in ay Man United wakhti hore go’aan ka gaadhay hadii uu Ten Hag sii joogi doono ama la caydhin doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Haddii aad eegto maamulaha guud ee ka imanaya City oo ay doonayaan inay Dan Ashworth ka soo qaadanayaan Newcastle, waxay go’aan ku gaari doonaan si degdeg ah waxaan qabaa – haddii aysan horayba u gaadhin”Neville ayaa u sheegay Monday Night Football.

“Waxaan ka shakisanahay in Jim Ratcliffe iyo Dave Brailsford haatanba ogsoon yihiin inay Erik ten Hag sii haysanayaan iyo hadii kale xilli ciyaareedka soo socda.”

“Ma rumaysan karo inay sugi doonaan ilaa May si ay go’aankaas u gaaraan oo ay u lumiyaan wakhti”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga