
Agaasimaha ciyaaraha kooxda Napoli Giovanni Manna ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay xiisaynayso saxiixa weeraryahanka Manchester United Alejandro Garnacho ka hor inta uusan xirmin suuqa January.
Kooxda Serie A ka dhisan ayaa suuqa Ugu jirta badalka Khvicha Kvaratskhelia oo ku biiray kooxda PSG.
Napoli ayaa la rumeysan yahay in dhawaan laga diiday dalab 40 milyan ah oo ay ku dooneysay Garnacho, halka Borussia Dortmund ee Karim Adeyemi sidoo kale haatan si weyn loola xiriirinayo kooxda reer Talyaani.
Manna ayaa xaqiijiyay in labada weeraryahanba ay yihiin bartilmaameedyo, laakiin Napoli ma bixin doonto qiimaha ay United doonayso.
“Garnacho Waa ciyaaryahan aan xiiso u qabno saxiixiisa laakiin ciyaartoyga kaliya ee aan doonayno”ayuu dhi.
Be the first to comment