Muxuu Neymar Kaga Jawaabay Ku Biirista Arsenal?

Neymar ayaa si maldahan u sheegay inuu ka fiirsan doono inuu u dhaqaaqo Arsenal ka dib markii loogu baaqay inuu ku biiro Gunners.

32-jirkan, oo hadda ka ciyaara horyaalka sucuudiga waxana uu ku sugnaa feedh-feedhkii u dhexeeyay Fabio Wardley iyo Frazer Clarke oo Sabtidii ka dhacay garoonka Kingdom Arena ee magaalada Riyadh.

Qaybta VIP-da ee dadka isugu soo baxay, waxa uu ag fadhiistay dhiirigeliyaha feerka ee Frank Warren, oo ku dhashay xaafadda Islington ee magaalada London, isla markaana aad u jecel Arsenal.

Frank Warren ayaa u sheegay Neymar in uu doonayo in uu ku soo biiro kooxda Arsenal maadama ay Gunners u baahantahay.

“Arintu waa sidaas, Waxa uu imanayaa Arsenal si uu ugu ciyaaro Arsenal”ayuu Wareen yidhi.

Neymar oo madaxa luxaya ayaa ku yidhi”Haa, Haa” iyada oo Warren ku sii cadaadiyay wakhtiga uu imanaya waxana uu yidhi”Goorma ayaad imanaysaa Arsenal, waan kuu baahanahay”.

Neymar ayaa ku jawaabay”Miyaad ii baahantihiin? Wan soo laabtay, waan soo laabtay”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga