Mohamed Salah Oo Sharaxay Sababtii Uu Heshiiska Cusub Ugu Saxiixay Liverpool.

Mohamed Salah ayaa soo afjaray hubanti la’aanta mustaqbalkiisa kadib markii uu u saxiixay heshiis cusub oo labo sano ah oo uu ku sii joogayo Liverpool.

Qandaraaska hore ee Liverpool ayaa dhacayay dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana jirtay cabsi laga qabo inuu ka Tago kooxda.

Intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan, Salah, oo ah gooldhaliyaha saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda Liverpool ayaa Qirtay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Horyaalka Saudi Pro League ayaa muddo dheer loo saadaalinayay inuu u safri karo Salah, laakiin 32-jirka ayaa ‘aad ugu faraxsan’ inuu sii wato noloshiisa Anfield.

“Dabcan aad ayaan u faraxsanahay. Hadda waxaan heysanaa koox weyn,” Salah ayaa u sheegay website-ka kooxda.

“Kahor sidoo kale waxaan heysanay koox weyn laakiin Sababta aan Heshiiska cusub u saxiixay ayaa ah in aan ku Guulaysan karno Koobab”

“Waa wax fiican, halkan waxaan ku qaatay sannadihii ugu fiicnaa. Waxaan ciyaaray sideed sano, waxaan rajeynayaa in aan sii joogo 10 sano”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga