
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu wadaa inuu jabiyo rekoodh badan kulanka Crystal Palac ee premier League ka dhici doona Anfield kana tirsan todobaadka ugu dambeeya ee horyaalka.
Salah ayaa la hubaa in uu ku guulaysan doono kabta dahabka ah ee Premier League markii 4-aad ee xirfadiisa ciyaareed isaga oo bar-bareeyay rikoorka Thierry Henry isaga oo 5 gool ku hogaaminaya xiddiga ugu dhaw ee Alexander Isak oo hal kulan u hadhsan yahay.
Waxaa jira rikoor aan la aqoon oo laga yaabo inuu maanta gaaro, kaasoo ah gooldhalinta ugu badan ee hal xilli ciyaareed, maadaama uu hal gool u jiro rikoorka gooldhalinta ugu badan ee gooldhalinta iyo caawintaba, hal xilli ciyaareed.
Salah ayaa dhaliyay 46 gool, wuxuuna dhaliyay 28 gool, wuxuuna caawiyay 18 gool, waxaana kaliya hal gool ama caawin uu u jiraa inuu barbareeyo rikoorka ay heystaan Andy Cole iyo Alan Shearer.
Salah ayaa labo caawin u jira inuu barbareeyo rikoorka caawinta ugu badan hal xilli ciyaareed, 20, waxaa heysta Thierry Henry iyo Kevin De Bruyne.
Be the first to comment