Modric Oo Taariikh Ka Sameeyay Real Madrid

Luka Modric, oo 39 jir ah, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee abid u safta Real Madrid, iyadoo kooxdiisu ay garaacday Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Croatia ayaa caawiye ka ahaa goolkii guusha ee uu dhaliyay Vinicius Jr wax yar kadib markii uu badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta,waxana uu ka caawiyay Real in ay guul gaarto kulan adag.

Modric ayaa Halyeey ka ah kooxda Real Madrid waxana uu ku qaatay sanado badan kooxda reer Spain.

Luka Modric ayaa kooxda Real Madrid u ciyaaray 368 kulan waxana uu kooxda u dhaliyay 28 gool.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa ku tilmaamay Modric “xirfadle sare iyo nin weyn”.

“Farxad ayay ii tahay in aan tababare u noqdo Modric oo aan kala shaqeeyay wax walba oo uu gaadhay ilaa haatan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga