Miyuu William Saliba Ciyaari Doonaa Kulanka Forest Ee Maanta? Arteta Ayaa Ka Jawaabay.

William Saliba ayaa durba ku soo laabtay tababarka, taasoo noqotay war farxad leh oo lama filaan ah oo dhaawac la xiriira u ah Arsenal, iyadoo la filayo inuu suurtagal ahaan ka qayb qaato kulanka Sabtida ee ay la ciyaarayaan Nottingham Forest.

Difaaca reer France ayaa dhaawac jug ah ka soo gaaray canqowga intii lagu jiray kululaysiga kahor guuldarradii 1-0 ee ay Arsenal kala kulantay Liverpool ka hor fasaxa caalamiga ah. Inkasta oo uu dhaawacaas dareemayay, hadana Saliba wuu ciyaaray kulanka Anfield, balse wuxuu ciyaarta ka baxay daqiiqado yar gudahood, isagoo u muuqday mid aan sii wadan karin, waxaana beddelay laacibka cusub ee xagaagan yimid, Cristhian Mosquera.

William Saliba ayaa markii dambe ka baxay xulka France ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee ay la ciyaarayeen Ukraine iyo Iceland, taasoo keentay walaac xooggan oo laga qabo inuu seego qayb muhiim ah oo ka mid ah kulamada Arsenal, kaddib markii warbixino ka yimid France toddobaadkii hore ay sheegayeen inuu garoomada ka maqnaan doono muddo ku dhow hal bil.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa haatan shaaca ka qaaday in daafaca dhexe ee muhiimka ah uu durba dib u billaabay tababarka, isla markaana laga yaabo inuu diyaar u noqdo kulanka Sabtida ee Arsenal la ciyaari doonto kooxda Nottingham Forest.

“William maanta wuu tababartay, markaa go’aan ayaan ka gaari doonaa haddii aan ciyaarsiino ama aanan,” ayuu Mikel Arteta u sheegay wariyeyaasha Jimcihii. “Waa war aad u fiican.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga