Miyuu Bukayo Saka Taam U Noqon Doonaa Kulanka Man City Ee Todobaadka Dambe.

Bukayo Saka ayaa ku qasbanaaday in uu ka tago xerada tababarka England wakhti hore ka dib markii uu ogaaday arin dhaawac ah intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah.

Sida laga soo xigtay Football London, xiddiga Ingariiska ayaa ka cabanaya dhibaato yar oo muruqa ah, waxaana uu ka tagay xerada England si uu daawayn u qaato.

Si kastaba ha ahaatee, wali ma cadda in Saka uu taam buuxa u noqon doono kulanka soo socda ee ay Arsenal la ciyaari doonto Man City ka dib fasaxa caalamiga ah.

Waa inuu si adag u shaqeeyo si uu dhibaatadan meesha uga saaro oo uu taam buuxa ugu noqdo kulankaan weyn, kaasoo saameyn weyn ku yeelan kara tartanka horyaalka.

Waxa xiiso leh, Arsenal ayaa dhab ahaantii ciyaartay Saka la’aantii kulankeedii hore ee Premier League ee ay la ciyaartay Cityzens waxayna xaqiijisatay guul 1-0 ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mikel Arteta ayaa hubaal ah inuu jeclaan lahaa in xiddigiisa uu ka soo muuqdo kulanka ka dib markii uu dhaliyay 13 gool isla markaana caawiyay 8 gool 27 kulan oo Premier League ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga