Mikel Arteta: Waxan Rajaynayaa In Ay Man City Dhibco Lumiso

Arsenal Mikel Arteta ayaan ka quusan in Manchester City ay dhibco lumiso, isagoo rajeynaya in ay man city dhibco lumiso.

Tan iyo guuldaradii ka soo gaartay Aston Villa bishii April, Gunners ayaa badisay seddex guul oo xiriir ah horyaalka si ay u sii hayaan hogaanka, iyagoo hal dhibic ka sareeya kooxda Pep Guardiola. City, si kastaba ha ahaatee, hal kulan ayaa gacanta ku haya.

Waxay la macno tahay in kooxda Guardiola ay masiirkooda gacanta ku hayaan oo ay mar kale noqon doonaan horyaal haddii ay badiso afarta kulan ee u hadhay Wolves, Fulham, Tottenham iyo West Ham.

“Waxa aan qalbiga ka rajaynayaa in ay dhibco lumiso”ayuu yidhi Arteta.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga