Mikel Arteta Oo Sharaxay Sababta Uu Bukayo Saka Ku Seegay Kulanka Luton Town.

Mikel Arteta ayaa sharaxay sababta Bukayo Saka uu u seegay kulanka Arsenal ee Premier League ee Luton Town.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee England ayaa ku bilowday barbaro gool la’aan ah oo ay Arsenal la gashay Manchester City axadii ka hor inta aan lagu bedelin Gabriel Martinelli daqiiqadii 78aad.

Saka ayaa dhaawac uga baxay waajibaadkii xulkiisa  ee kulamadii xulalka Brazil iyo Belguim

Xiddiga 22 jirka ah ayaa ka qayb ahaa kooxdii Arsenal ee timid garoonka Emirates laakiin waxa laga saaray Liiska ciyaarta.

Isagoo sharaxaya maqnaanshaha Saka Arteta ayaa yidhi“Waxay ahayd inuu boxo kulankii Man City saddex maalin ka hor, sababta oo ah wax ayuu dareemay”.

“Ma uusan awoodin inuu sameeyo wax walba oo aan u baahanahay si aan u siino fursad uu ciyaarta ku soo bilowdo. Markaa waxaan go’aansanay in aanu ciyaarin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga