Mikel Arteta ayaa aaminsan in Gabriel Martinelli iyo Leandro Trossard ay mar kale kalsooni ka buuxaan oo ay diyaar u yihiin inay kiciyaan weerarka Arsenal.
Labada ciyaaryahan ayaa xilli ciyaareedkan ku jira wakhti adag iyaga oo ku jira qaab ciyaareed aan fiicnayn.
Arsenal ayaa dhalisay todobo gool seddexdii kulan ee ugu dambeysay, iyadoo Martinelli iyo Trossard ay si toos ah ugu lug lahaayeen afar ka mid ah goolashaas.
Arteta wuxuu yiri: “Sida caadiga ah dhammaan ciyaartoyda weerarka waxa soo marta wakhti adag laakiin haatan waxa ay ku jiraan wakhti fiican”
“Waxay ku sugan yihiin meel wanaagsan marka laga hadlayo kalsoonida waxana ay saamayn ku yeelanayaan qaab ciyaareedka kooxda”.
Martinelli iyo Trossard ayaa labaduba rajeynaya inay ku soo bilowdaan kulanka Wolves ee maanta iyada oo Arsenal doonaysa 3-da dhibcood ee kulanka.
Be the first to comment