
Laacibka khadka dhexe ee Arsenal ee Martin Zubimendi ayaa lagu soo waramayaa inuu tilmaamay inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.
Zubimendi ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa Liverpool xagaagii hore isaga oo door biday in uu xilli ciyaareed kale la sii joogo kooxdii uu ku soo barbaaray ee Real Sociedad.
Si kastaba ha ahaatee, waxay hadda u muuqataa in xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu diyaar u yahay inuu ka tago Real Sociedad ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka soo socda.
Bishii hore, waxaa la soo wariyay in agaasimaha cusub ee isboortiga Arsenal Andrea Berta loo xilsaaray inuu keeno saxiixa xiddiga ku guulaystay Euro 2024.
Arsenal ayaa dooneysa inay xoojiso Khadka dhexe ee jooxda gaar ahaan bixitaanka Jorginho iyo Thomas Partey maadama heshiiskoodu dhacayo.
Arsenal ayaa ka warqabta inay tartan adag kala kulmeyso kooxda reer Spain ee Real Madrid tartanka loogu jiro saxiixa Zubimendi xagaagan.
Xaqiiqdii, Gunners ayaa u baahan in ay qabato shaqo fiican si ay Real Madrid ugu garaacdo saxiixa xiddiga.
Be the first to comment