
Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa lagu amaanay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta adduunka ka dib markii uu xiddig ka noqday Norway guushii ugu dambeysay ee isreebreebka Koobka Adduunka.
Odegaard ayaa sameeyay seddexley caawin ah iyadoo Norway ay 4-2 ku garaacday Israel Salaasadii.
Norway ayaa guuldarro la’aan ku bilaabatay ololahooda isreebreebka Koobka Adduunka, iyagoo sidoo kale 5-0 ku xasuuqay Moldova Sabtidii.
Taageerayaasha Arsenal ayaa aad ugu farxi doona in ay arkaan kabtankooda oo ku jira qaab ciyaareedkiisa ugu wanagsan kulan aad muhiim u ah wareega 8da ee Champions League oo ay wajihi doonaan Odegaard kooxdii hore ee Real Madrid.
Arsenal waligeed ma aysan qaadin koobka, lakiin waxa ay heli doontaa fursad xoogan hadii ay dhaafaan kooxda difaacaneysa koobka champions League.
Odegaard ayaa u baahnaan doona in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu wanagsan hadii ay Arsenal guul soo gaadho waxana ay jamaahiirta Gunners ku farxi doonaan amaanta uu helay kadib guushii Norway ay ka gaadhay Israa’iil.
Be the first to comment