Martin Keown Oo Weerar Ku Qaaday Xiddig U Ciyaara Arsenal Kadib Bar-Barihii Everton.

Martin Keown ayaa su’aal galiyay go’aanka Myles Lewis-Skelly ka dib markii uu da’yarku sababay rikoodhe kulankii ay Arsenal barbaraha 1-1 la gashay Everton.

Arsenal ayaa dhibco lumisay waxana ay ka sii fogaatay tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa ku hogaaminaysay ciyaarta 1/0 ka hor inta ayna Everton helin rikoodhe uu sababay xiddiga Lewis-Skelly kaas oo khalad ku galay xiddiga Jack Harrison.

Daaficii hore ee Arsenal iyo Everton Keown ayaa sheegay in uu dareemay in aysan jirin xiriir ku filan oo uu sameeyay Lewis-Skelly si Arsenal loogu dhigo rikoodhe.

“Markii hore Myles Lewis-Skelly ma taaban kubada laakiin waxa uu isku dayay in uu jidhkiisa dhigo”ayuu Keown yidhi.

“Laakiin ma aaminsani in uu jiro khalad sababi kara rikoodhe, waxa uu ahaa mid jilicsan”

Keown ayaa rumaysan in Lewis-Skelly uu naftiisa dhigay meel aan loo baahnayn markii uu jidh ahaan ula tartamay Harrison”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga