Warar cusub ayaa laga helayaa kiiska weyn ee Manchester City loogu haysto jebinta xeerarka maaliyadeed ee Premier League intii u dhexeysay 2009 ilaa 2018.
Wargeyska Financial Times, sida ay soo xigatay Marca, ayaa sheegay in Manchester City ay fursad u heli doonto inay difaacdeeda ka hor keento guddiga racfaanka bartamaha bisha December.
Go’aanka racfaanka ayaa la filayaa horraanta sanadka soo socda, iyadoo kaddib si degdeg ah loo shaacin doono ciqaabta kooxda.
Ciqaabaha suuragalka ah waxaa ka mid ah:
- In dhibco badan laga jaro kooxda.
- In Manchester City loo dhaadhiciyo Championship-ka.
- In lagu soo rogo ganaax lacageed oo aad u weyn.
- In dhibco dheeraad ah laga jaro xilli ciyaareedka xiga.
Si kastaba ha ahaatee, ciqaabta kama dambaysta ah weli lama xaqiijin, waxaana suuragal ah in Manchester City ay mar kale racfaan ka qaadato go’aanka, taasoo sii dheereyn karta kiiskan muranka dhaliyey.

