Man United Oo Xaqiijisay Numberka Uu Rasmus Hojlund U Xidhan Doono Kooxda

Man United ayaa xaqiijisay in xiddiga Rasmus Hojlund uu kooxda u xidhan doono Lambar cusub kadib markii uu No.11 u xidhay kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Go’aankan ayaa sidoo kale saamaynaya saxiixa cusub ee Joshua Zirkzee kaas oo sidoo kale sugayay numarka uu Hojlund qaadan doono.

Hojlund ayaa oo 16 gool u dhaliyay Man United xilli ciyaareedkii hore ayaa qaadan doona Lambarka No.9.

Waxa No.9 baneeyay xiddig Anthony Martial oo ka tagay Old Trafford kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Hojlund ayaa maraya wadada Andy Cole, Zlatan Ibrahimovic, Dimitar Berbatov iyo Brian McClair kuwaas oo horay ugu soo xidhay Lambarka No.9.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga