
Kooxda Manchester United ayaa xaqiijisay in Christian Eriksen, Jonny Evans iyo Victor Lindelof ay ka tagi doonaan kooxda xagaagan ka dib markii uu dhacay qandaraaskooda.
Goolhaye Tom Heaton ayaa sidoo kale qandaraaskiisu dhacayaa, laakiin kooxda ayaa wadahadalo kula jirta heshiis kordhintiisa.
Ciyaartoyda Akademiyada Hubert Graczyk, Jack Kingdon, Sam Murray, Tom Myles, James Nolan iyo Tom Wooster ayaa dhamaantood la sii daayay.
Daafaca heerka caalami ee dalka Sweden Lindelof ayaa United kaga soo biiray Benfica sanadkii 2017 waxana uu u saftay 284 kulan sideed xilli ciyaareed oo uu kooxda joogay.
Waxa uu ku jiray kooxihii ku guuleystay League Cup 2023 iyo FA Cup 2024, iyo sidoo kale kuwii ku guuldareystay finalka Europa League 2021 iyo bishii hore.
Eriksen ayaa dhaliyay goolkiisii 108-aad iyo kulankiisii ugu dambeeyay ee United guushii ay ka gaareen Aston Villa maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedka Premier League.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee Waqooyiga Ireland Evans ayaa ka fariisanaya kubada cagta ka dib markii uu dib ugu soo laabtay United mar labaad kooxda 2023.
37-sano jir ah, oo ka qalin jabiyay akadeemiyadda United, ayaa ku guuleystay seddex horyaal oo Premier League ah markiisii ugu horeysay, ka dibna wuxuu qaaday FA Cup markii uu soo laabtay.
Waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray Sunderland, West Brom iyo Leicester intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed.
Goolhaye Heaton, oo ah mid kale oo ka soo baxay akadeemiyadda, ayaa dib ugu soo biiray kooxda 2021 ka dib markii uu markii ugu horeysay ka tagay 2010.
Ka dib amaah dhowr ah oo uu si joogto ah ugu wareegay Cardiff, Bristol City, Burnley iyo Aston Villa, saddex kulan ayuu u saftay tan iyo markii uu ku soo laabtay Old Trafford.
Be the first to comment