Man United Oo War Xun Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Crystal Palace.

Kooxda Man United ayaa war xun ka heshay xaalada kooxda ka hor kulanka Crystal Palace ee premier League.

Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Palace kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Tababaraha Kooxda Erik Ten Hag ayaa xaqiijiyay in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha kabtanka ooxda ee Bruno Fernandes.

Fernandes ayaa muhiim ka ah kooxda Man United isaga oo kooxda u hor seeday guulo kulamo badan xilli ciyaareedkan.

Ten Hag oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulanka ayaa yidhi”Bruno axa uu dareemay anuun kulankii Burnley”.

“Waxa aan qiimayn doonaa xaaladiisa laakiin shaki ayaa ku jira in uu ciyaari karo”.

“Haatan ma xaqiijin karo in uu seegayo kulanka waxa aan samayn doonaa wax walba oo aan awoodno si aan taam uga dhigno”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga