Man United Oo War Fiican Ka Heshay Xiddig Dhaawac Uga Maqnaa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Mason Mount ayaa Erik ten Hag ka farxiyay kadib markii uu ku soo laabtay tababarka buuxa.

Laacibka reer England ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu kubka ka dhaawacmay kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Luton bartamihii bishii November.

Mount waxa ugu dambeeyay kulan uu ku bilowdo shaxda Man United 7-dii bishii October waxana uu ku dhibaatoonayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Old Trafford.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa United ugu soo biiray heshiis 40 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray kooxda chelsea laakiin waxa uu kaliya ku bilowday 7 kulan.

United waxa ay ku dhibaatootay dhaawac xilli ciyaareedkan waxana ay Axada la ciyaari doontaa Liverpool kulan FA Cup-ka ah.

Mount ayaa ciyaari kara kulankaas isaga oo ku soo laabtay tababarka buuxa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga