Manchester United ayaa loo sheegay inay u baahan tahay inay £300 milyan ku bixiso afar ciyaaryahan oo cusub suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, si ay uga fogaato inay u dhaadhacdo Heerka labaad Ee Championshipka.
Kooxda Red Devils ayaa weli ku jirta boosaska looga dhacayo Premier League, kadib markii ay 4-0 guuldarro kala kulmeen Brentford garoonka Old Trafford galabnimadii Sabtida Ee shalay.
United ayaa Mauricio Pochettino u magacawday inuu beddelo Michael Carrick, balse dhibaatooyinkii kooxda ayaa sii socday kulamadii ugu dambeeyay, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo inay xilli ciyaareedkan u dhacdo heerka labaad.
Hadda, Micky Gray oo hore uga tirsanaa xulka qaranka England ayaa uga digay Manchester United inaysan “meelna uga dhoweyn” heerka looga baahan yahay inay xilli ciyaareedkan ku badbaadaan Premier League.
Gray ayaa sidaas ka sheegay barnaamijka talkSPORT:
“Crystal Palace ayaa berri la ciyaaraysa Hull, waxayna dareemayaan inay haystaan fursad dhab ah oo ay kaga soo bixi karaan kaalinta ugu hooseysa Ee liiska kala sarreynta, taasoo ka dhigan in Manchester United, ay noqon karto kooxda ugu dambeysa Premier League kadib 12 kulan,” ayuu yiri Gray.
“Arrintaas horay looma arag. Laakiin waa halka ay kooxdani hadda marayso… Taageerayaasha United ayaa si weyn u buuqay oo waxay muujiyeen caro markii ciyaartu dhammaatay, laakiin waxqabadkii kubadeed ee aan hadda daawaday ma ahayn mid kubad loo ciyaarayay.”
“Waxaad eedda dusha ka saari kartaa Jason Wilcox iyo Omar Berrada, laakiin ciyaartoyda laftoodu waa inay si dhab ah isu eegaan oo mid kasta is weydiiyo: Ma sameynayaa wax ku filan oo aan kooxdan ugu ciyaaro? Ma sameynayaa wax ku filan oo aan kooxdan kaga caawiyo inay Premier League ku sii jirto?’
“Aragtidayduna waa… inaysan haba yaraatee heerkaas u dhoweyn.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Marka ay hal gool laga hormaro, niyaddoodu way dhacdaa, waxay bilaabaan inay si shaqsi-shaqsi ah u ciyaaraan, way argagaxaan, qofna ma doonayo inuu kubadda qaato, waxayna bilaabaan inay kubadda ka dhuuntaan, sababtoo ah ma doonayaan inay noqdaan ciyaaryahanka qaladka sameeya.”
“Waa khaladaad shaqsiyeed. Farta kuma fiiqi kartid Mauricio Pochettino, laakiin waan ku faraxsanahay inuu hadda arkayo waxa aan indhaheenna ku arki jirnay siddeedii ama sagaalkii sano Ee la soo dhaafay. Shaqo aad u weyn ayaa sugaysa Manchester United haddii uu doonayo inuu xilli ciyaareedkan wax ka beddelo.”
Gray ayaa markii dambe intaas ku daray:
“Maxaynu mar walba u leenahay uma maleynayo inay heerka labaad u dhici doonaan? Waxa aan toddobaad kasta arkayo waxay muujinayaan inay dhici karto inay hoos u dhacaan, sababtoo ah waqtigan xaadirka ah heerka ay joogaan kuma filna haba yaraatee.”
Manchester United waa inay soo iibsataa afar daafac oo cusub si ay uga fogaato heerka labaad xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale, falanqeeyaha Jamie O’Hara ayaa qaba in Manchester United ay u baahan tahay inay “soo iibsato afar daafac oo cusub” haddii ay doonayso inay xilli ciyaareedkan ka fogaato inay heerka labaad u dhacdo.
“Habka keliya ee aan hadda u arko inay dhibaatadan uga bixi karaan waa inay soo iibsadaan afar daafac oo cusub,” ayuu yiri O’Hara oo ka hadlayay talkSPORT.
“Waa inaad soo iibsataan afar daafac oo cusub, afarta daafac ee hadda joogaana gabi ahaanba waa kuwo aad u liita.”
Jason Cundy ayaa isaguna intaas ku daray:
“Haddii aad doonayso inaad qaar ka mid ah ciyaartoydan beddesho, dhibaatada ku haysata ayaa ah sidii aad ciyaartoyda qaar uga takhalusi lahayd oo aad koox kale ugu wareejin lahayd. Bisha Janaayo waa waqtiga ugu xun ee arrintaas la sameeyo.
“Waxay khasab ku noqon doontaa inay lacag badan bixiyaan. Si ay u helaan ciyaartoyda ay doonayaan ama kuwa ay u baahan yihiin si ay uga saaraan boosaska heerka labaad loogu dhacayo, waxaad u baahan doontaa qiyaastii £300 milyan.”

