Man United Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarinaysa Da’yarka Wacdaraha Dhigaya Ee Kobbie Mainoo.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay si firfircoon uga shaqeyso dadaalkeeda ku aadan inay heshiis cusub ka saxiixdo Kobbie Mainoo.

United ayaa bilawday 2023 iyada oo ku dhawaaqday in da,yarka uu qalinka ugu duugay kooxda heshiis wakhti dheer ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2026-27.

Horumarkaas ayaa yimid markii Mainoo uusan soo muuqan hal kulan oo kooxda koowaad ah, sidaas oo ay tahay United waxa ay diyaar u ahayd in ay sii haysato xiddiga da’yarka ah.

Inkastoo dhaawac uu hakiyay horumarka 18-sano jirkaan bilowgii xilli ciyaareedka, waxa uu tan iyo markii uu soo laabtay waxana uu muhiim ka noqday kooxda Ten Hag.

Mainoo ayaa wadar ahaan ku soo bilowday 13 kulan oo Premier League ah intii lagu jiray 2023-24 isaga oo dhaliyay gool kulankii kooxdiisu ka badisay Wolves.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, madaxda kooxdu waxay jecel yihiin inay ku abaalmariyaan Mainoo saamaynta uu ku leeyahay  kooxda.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga