Man United Oo Halis Ugu Jirta In Ay Dhigto Rikoodh Liita.

Manchester United ayaa laga yaabaa inay dhigto rikoor cusub oo aan loo baahnayn kulanka ay axada gurigeeda kula ciyaari doonto Wolverhampton Wanderers.

Red Devils ayaa ku jiri doonta jawi aad u kacsan ka dib markii ay soo laabasho cajiib ah sameeyeen xilli dambe oo ay ku guuleysteen 5-4 waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta Khamiista ay la ciyaarayeen Lyon.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 14-aad ee kala saraynta premier League kadib markii ay heleen 38 dhibcood 32 kulan.

Sidaas darted waxa la hubaa in ay ku dhamaysan doonaan premier League dhibcihii ugu hooseeyay taariikhdooda maadama ayna gaadhi Karin 58-kii dhibcood ee ay gaadheen xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa haatan halis ugu jirta in ay dhigto rikoor kale oo aan loo baahnayn kulanka Axada ee ay Old Trafford kula ciyaari doonto kooxda Wolves oo ku jirta kaalinta 16-aad.

Waxa ay bar-bareeyeen rikoorka goolasha ugu badan ee laga dhaliyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan markii 19-aad ee furitaanka kulanka ay guuldarro 4-1 ah ka soo gaartay Newcastle United axadii hore.

Red Devils ayaa rikoor cusub dhigi doonta haddii laga dhaliyo goolka furitaanka mid ka mid ah lixda kulan ee ka harsan Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga