Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaaa premier League.
Man United ayaa sii wada natiijooyinkii umaa e premier League iyaga oo natiijo xanuun badan kala kulmay kooxda Crystal Palace.
Kulanka ayaa ahaa mid ah daafacyada United sameeyeen khaladaad badan oo ay Crystal Palace kaga faa’iidaystay.
Kooxda Crystal Palace ayaa dhaawaca ku badisay kooxda Man United oo ku jirta xaalad adag dhinaca xilli ciyaareedka.
Qaybta hore ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo ayna labada kooxd wax gool ah kala dhalin.
Crystal Palace ayaa qaybtii dambe ahayd kooxda fiican iyaga oo Man United ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 68-aad ayay Crystal Palace dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jean-Philippe Mateta as oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Palace ku hogaaminayso.
Xiddiga Jean-Philippe Mateta ayaa daqiiqadii 89-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Crystal Palace garaacday Man United xaalkana ku xumaysay Amorim.
Be the first to comment