
Man United Ayaa Arsenal ka reebtay tartanka FA cup-ka kadib kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa wareega 3-aad ee tartanka.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal ahayd kooxda fiican iyaga oo ka awood badnaa kooxda man united.
Laakiin Man United ayaa ku hor martay goolka waxana daqiiqadii 54-aad gool u dhaliyay xiddiga Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Arsenal ayay Mar kale cadaatay in ay u baahantahay weeraryahan.
Xiddigaha weerarka uga ciyaara Arsenal ayaa khasaariyay fursado aad u badan.
Daqiiqadii 63-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Labada kooxood ayaa isla aaday wakhtiga dheeriga ah.
Ugu dambayn labada kooxood ayaa isla aaday rikoodhayaal waxana ay 5/2 guushu ku raacday kooxda Man United.
Be the first to comment