Man United Oo Doonaysa Xiddig U Ciyaara Chelsea.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo daafaca dhexe ee Chelsea Trevoh Chalobah iyagoo raadinaya inay la soo wareegaan bedelka Raphael Varane.

Varane, oo 31 jir ah, ayaa ka tagay kooxda marka uu dhamaado qandaraaskiisa, kooxda Erik ten Hag ayaa haatan raadineysa xiddig daafaca dhexe ka ciyaara si ay ugu badalaan xiddiga reer France.

Sida laga soo xigtay wargayska The Indenpendent, kooxda Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Chalobah.

24-sano jirkaan ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda muhiimka ah ee Chelsea intii lagu guda jiray dhamaadkii xilli ciyaareedka Laakiin Blues ayaa la filayaa in ay iska iibiso.

Sidaas darteed, Man Utd ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay xagaaga u dhaqaaqdo Chalobah iyagoo doonaya inay xoojiyaan daafacooda dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga