
Man United ayaa lagu qasbayaa in ay ku laabato qorshaha 3-aad ee suuqa kadib markii ay guuldaro kala kulankii final Europa League.
Red Devils ayaa guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Tottenham Arbacadii magaalada Bilbao, taasoo la micno ah inaysan ciyaari doonin ciyaaraha Yurub xilli ciyaareedka soo socda.
Iyadoo ku guuldareysatay inay boos ka hesho Champions League ka hor ololaha 2025-26, United ayaa la filayaa inay weyso dakhli ku dhow 100 milyan oo Euro.
Arintan ayaa la macno ah in ayna soo jiidan karin ama ayna la soo saxiixan karin bartilmaameedyadooda 1-aad.
Weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres, xiddiga RB Leipzig Benjamin Sesko iyo weeraryahanka Ipswich Town Liam Delap ayaa haatan la fahamsan yahay inay yihiin kuwa ugu sarreeya liiska suuqa kala iibsiga ee Man Utd.
Laakiin Ruben Amorim iyo kooxdiisa Ayaa laga yaabaa in ay ku ekaadaan dookha 2-aad sabab la xidhiidha dhaqaale yari.
Ka dib guuldaradii finalka ee kooxda Europa League, Amorim wuxuu qirtay: “Waxaan wadnaa laba qorshe oo suuqa ah.
“Waxaan u baahanahay inaan fahamno inay adag tahay in kooxdeena oo kale ah inaysan ka mid noqon Champions League.
“Laakiin waa in aan isticmaalno dhanka kale.
Be the first to comment