Man United Mise Tottenham? Roy Keane Oo Saadaaliyay Final-ka Europa League.

Roy Keane ayaa saadaaliyay finalka Europa League xilli kooxaha Manchester United iyo Tottenham ay isku diyaarinayaan kulanka Bilbao.

Man United ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Chelsea kulan ka tirsanaa premier League halka ay Tottenham guuldaro 2/0 ah kala kulantay Aston Villa.

Labada kooxood ayaa ku jira xilli ciyaareed liita iyada oo labada kooxoodba seegi doonaan tartamada yurub.

Si kasta ha ahaatee labada kooxood ayaa u soo bixi kara champions League hadii ay ku guulaystaan Europa League xilli ciyaareedkan.

United ayaa ku guulaysan karta koobka yurub markii ugu horaysay tan ilaa 2017 halka ay Tottenham markii ugu dambaysay ku guulaystay koob yurub ah sanadkii 1984.

Markii la waydiiyay Keane cidda uu u malaynayo in ay guulaysan doonto Arbacada, Keane ayaa u saadaaliyay kooxdiisii koobka.

“Waa in aan taageero United, xiddig Sida Bruno oo kale ah ayaa samayn kara waxyaabo cajiib ah, sidoo kale taariikhda Man united ayaa culays leh”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxa u dhexeeya faqi badan taariikhda laakiin marka ay timaado Final-ka taariikhda United ayaa ka caawinaysa ku guulaysiga koobka”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga