
Kooxda Man City ayaa lagu garaacay Final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedka kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Crystal Palace.
Man City ayaa xilli ciyaareedkan dhamaysatay koob la’aan Iyada oo kooxdu xilli ciyaareedka si xun ku dhamaysanayso.
Goolka ayaa yimid kadib karoos uu ka helay Daniel Muñoz, waxaana dhaliyay Eze, kaasoo si xirfadeysan shabaqa ugu dhex dhigay.
Xiddiga reer Masar ee Omar Marmoush ayaa ku guul daraystay inuu gool ku laad gool u badalo kadib markii uu goolhayaha Crystal Palace Dean Henderson uu si fiican u badbaadiyay daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta.
Crystal Palace ayaa heshay goolkii labaad ee ciyaarta, laakiin garsooraha ayaa go’aansaday inuu diido daqiiqadii 61aad inuu ku jiro Offside ka dib markii uu la tashaday garsooraha fiidiyowga (VAR).
Ciyaartoyda City ayaa sii xoojiyay dadaalkooda ay ku doonayeen inay ku barbareeyaan ciyaarta, laakiin taabashadii ugu dambeysay ayaa ka hoos martay tayadii la rabay, waxayna ciyaartu ku soo idlaatay guul ay u qalantay Crystal Palace oo hanatay koobkii ugu horeeyay ee FA Cup.
Be the first to comment