Pascal Ferré, madaxii hore ee tifaftirka majaladda France Football, ayaa sheegay in ay isaga ula muuqanto arrin la yaab leh haddii Kylian Mbappé uu ku guuleysto Ballon d’Or-ka sanadkan.
Ferré wuxuu qiray in Mbappé yahay ciyaaryahan heer sare ah, balse sheegay inuusan u codayn lahayn sanadkan, sababtoo ah Mbappé wuxuu ka mid yahay 30-ka musharrax ee abaalmarinta, balse wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda aan kooxdooda kula guuleysan wax koob ah xilli ciyaareedkan.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay ololayaasha Lamine Yamal iyo Mbappé, isagoo sheegay in ololaha Mbappé uu aad uga weyn yahay kan Yamal, laakiin uu aaminsan yahay in ololayaasha noocaas ah aysan saameyn weyn ku yeelan xubnaha codbixinta.
Ferré wuxuu intaas ku daray in natiijada Ballon d’Or-ka la ogaan doono 26-ka Oktoobar.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in Florentino Pérez uusan waligiis isku dayin inuu si toos ah ama si dadban ugu saameeyo go’aankiisa Ballon d’Or-ka, inkastoo uu qiray in madaxweynaha Real Madrid uu aad u xiiseeyo abaalmarintan.
Ugu dambeyn, Ferré wuxuu xusay in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay si buuxda u maamulayeen abaalmarinta intii u dhaxaysay 2007 iyo 2017, maadaama uu aaminsanaa inay ahaayeen ciyaartoydii ugu fiicnaa adduunka xilligaas.

