Halyeeygii hore ee Real Madrid iyo Spain, Iker Casillas, ayaa mar kale dhaliyay doodda weyn ee ku saabsan isbarbardhigga Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Arrintan ayaa timid kadib markii Messi uu ku dhawaaqay inuu soo afjaray xirfaddiisa ciyaaraha caalamiga ah, isagoo Argentina ku hoggaamiyay guul 3-0 ah oo ay ka gaartay Benin, halkaas oo uu dhaliyay hal gool isla markaana sameeyay laba caawin.
Casillas ayaa bartiisa X dib ugu wadaagay muuqaal muujinaya in Messi uu Ronaldo kaga sarreeyo dhinacyo badan oo kubadda cagta ah, taasoo loo fasirtay inuu taageerayo Messi doodda labada xiddig.
Messi wuxuu Argentina kula guuleystay 6 koob, oo ay ugu muhiimsan yihiin Koobka Adduunka, 2 Copa América, Finalissima, Koobka Adduunka ee da’yarta iyo biladda dahabka Olympic-ga.
Intii uu xulka Argentina u ciyaarayay, Messi wuxuu dhaliyay 126 gool, isagoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka, wuxuuna sidoo kale sameeyay 68 caawin 208 kulan oo caalami ah.
Isbarbardhigga Messi iyo Ronaldo ayaa sidaas darteed mar kale soo xoogeysanaya, iyadoo labada ciyaaryahan ay muddo ku dhow 20 sano kamid ahaayeen xiddigaha ugu waaweyn kubadda cagta adduunka.
El pez muere por su propia boca. Saquen sus propias conclusiones. https://t.co/zq3ZWmYXNC
— María José (@derivat003) October 7, 2026

