Macalinkii Kooxda Bayern oo gebi ahaanba laga mamnuucay iney lahadlaan caawiyeyaashiisa sababta maxey tahay ?

0

Maamulka Bayern Munich ayaa tababare Vincent Kompany geliyay nasasho buuxda, isagoo xitaa laga mamnuucay inuu kala hadlo caawiyeyaashiisa arrimaha kooxda, si uu diiradda u saaro soo kabashadiisa.

Kompany ayaa gurigiisa ku nasanaya kadib markii uu la tacaalay caabuqa xuubabka maskaxda (meningitis), iyadoo la sheegay inuu sidoo kale muujiyay daal xooggan ka hor xanuunkiisa.

Advertisment

Tababaraha ku-meel-gaarka ah Aaron Danks ayaa sheegay inuu amar cad ka helay madaxda Bayern ee Max Eberl iyo Christoph Freund, kaas oo dhigaya inaan Kompany lagala hadlin qorshaha ciyaaraha, shaxda ama arrimo kale oo kubadda cagta ah.

“Waxaan dooneynaa inuu si wanaagsan u nasto oo u soo kabsado. Kubadda cagta gebi ahaanba waan ka fogeyneynaa marxaladdan,” ayuu yiri Danks.

Wararka Jarmalka ayaa sheegaya in Kompany uu u baahan karo ugu yaraan laba toddobaad oo nasasho ah, iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo xaaladdiisa.

Bayern Munich ayaa mudnaanta koowaad siisay caafimaadka tababaraheeda, iyadoo Aaron Danks uu si ku-meel-gaar ah u sii hoggaaminayo kooxda inta Kompany uu kasoo kabanayo.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here