“Waa Damiin aan Waxba aqoon” Weerar & Duulaan qaawan, Halyeygii Chelsea Joe Cole oo si adag uweeraray Xidig man utd ah

0

Halyeeygii hore ee Chelsea, Joe Cole, ayaa sheegay in waqtigii Lisandro Martínez ee Manchester United uu dhammaaday, kaddib markii daafaca reer Argentina casaan loo taagay kulankii Chelsea ay 2-0 kaga adkaatay United.

Martínez ayaa kulanka ku qaatay laba kaar oo jaalle ah, iyadoo kii labaad uu yimid kaddib qalad uu ku galay Wesley Fofana, taasoo sidoo kale Chelsea loogu dhigay rigoodhe.

Advertisment

Joe Cole ayaa TNT Sports ka sheegay in Martínez uu marar badan sameeyo qaladaad dhaawacaya kooxdiisa, isla markaana uusan u arkin ciyaaryahan qayb ka noqon kara mustaqbalka Manchester United.

Guuldarrada Chelsea ayaa sii kordhisay dhibaatada United, oo haatan sagaal kulan oo xiriir ah guul la’aan ah, isla markaana cadaadis weyn uu saaran yahay kooxda.

Mustaqbalka Martínez ayaa hadda su’aal weyn la gelinayaa, maadaama qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo Manchester United ay haysato fursad ay hal sano oo dheeraad ah ugu kordhin karto.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here