Tababaraha Real Madrid Jose Mourinho oo ammaanay Jude Bellingham ka dib guushii Champions League ee ay ka gaareen AEK, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan khad dhexe ah oo dhammaystiran.
Tababaraha kooxda Real Madrid, Jose Mourinho, ayaa sheegay in Jude Bellingham uu yahay ciyaaryahan dhinac walba ka dhammaystiran. Mourinho ayaa sidoo kale ku dooday in uusan dunida joogin ciyaaryahan khad dhexe ah oo la mid ah Bellingham.
Laacibkan 23 jirka ah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya toddoba xilli-ciyaareed oo xiriir ah tartanka Horyaallada Yurub ee Champions League. Xilli-ciyaareedkan wuxuu dhaliyay shan gool, halka uu caawiyay afar kale 15 kulan oo uu saftay dhammaan tartamada.
“Jude Bellingham waa ciyaaryahan gaar ah. Dunida kama jiro ciyaaryahan khadka dhexe ah oo sidiisa oo kale wax walba uga dhammaystiran,” ayuu yiri Mourinho, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Ma hayo erayo badan oo aan ku sifeeyo, waa ciyaaryahan cajiib ah.”

