Maamulka Manchester United ayaa dib uga fiirsanaya go’aankii ay ku doonayeen inay shaqada uga eryaan tababare Michael Carrick, kadib guushii 3-2 ahayd ee ay kooxdu ka gaartay Roma, iyadoo United ay ciyaarta ku bilaabatay iyadoo 2-0 lagu hoggaaminayo.
Wariye David Ornstein oo ka tirsan The Athletic ayaa sheegay in saddex arrimood ay maamulka ku riixayaan inuu Carrick fursad kale siiyo.
1. Taageerayaasha oo garab istaagay Carrick: Taageerayaasha Manchester United ayaa taageero weyn u muujiyay tababaraha, halka ay ciyaartoyda ku muujiyeen caro iyo dhaleeceyn.
2. Ciyaartoyda oo doonaya inuu sii joogo: Ciyaartoyda ayaa garwaaqsaday in tababaraha oo la beddelo uusan xal waara u noqon karin dhibaatooyinka kooxda, waxayna muujiyeen inay doonayaan inay u dagaallamaan Carrick.
3. Unai Emery oo heshiis cusub la gaaray Aston Villa: Emery oo ahaa tababaraha ay Manchester United sida weyn u dooneysay ayaa heshiis cusub la gaaray Aston Villa, taasoo meesha ka saartay inuu xilligan yimaado Old Trafford.
Carrick ayaa hadda wajahaya imtixaan kale oo adag, waxaana looga baahan yahay inuu guul ka gaaro Aston Villa kulanka Axadda si uu u sii xoojiyo fursaddiisa joogitaanka Manchester United.
Weli ma jiro go’aan rasmi ah oo laga gaaray mustaqbalka tababaraha reer England, balse guulaha soo socda ayaa door weyn ka ciyaari kara go’aanka maamulka kooxda.

