Liverpool Oo wadahadalo La Yeelatay De Bruyne.

Kevin De Bruyne ayaa wadahadalo la yaab leh la yeeshay Liverpool ka hor inta uusan u dhaqaaqin Napoli xagaagan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee tobanka sano ee uu joogay Manchester City ayaa diiday in uu ka soo muuqdo koobka kooxaha adduunka isaga oo ka cabsi qabay dhaawac.

33-sano jirkaan ayaa si xor ah uga tagay City si uu ugu biiro kooxda heysata horyaalka Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray xoogaa shaki ah oo ku saabsan halka uu ku danbeyn doono De Bruyne, iyadoo Inter Miami ay markii hore ugu cad-cadayd saxiixiisa.

The Athletic ayaa ku warameysa in xitaa Liverpool ay wadahadal la yeelatay De Bruyne taasoo ku saabsan inuu si lama filaan ah ugu wareegay Anfield.

Si kastaba ha ahaatee wadahadalada u Dhexeeyay xiddiga iyo Liverpool ayaan horay u sii socon.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga