Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiddig U Ciyaara Kooxdeeda.

Kooxda Liverpool ayaa galaysa waji cusub oo uu hogaaminayo tababaraha reer Holland ee Arne Slot kaas oo la wareegay shaqada tababaranimo ee kooxda.

Slot ayaa la wareegay, isagoo bedelay, Jurgen Klopp, kaasoo ka tagay Liverpool ka dib 9 sano oo uu ku sugnaa Anfield.

Kooxda reer England ayaa indhaheeda ku arkaysa isbadalo dhanka safkeeda ah, iyadoo laga hadlayo mustaqbalka dhowr ciyaaryahan oo ay ku jiraan Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold, maadaama qandaraaskoodu uu dhacayo xagaaga soo aadan.

Marka laga soo tago seddexda ciyaaryahan, waxaa jira hadallo ku saabsan mustaqbalka Joe Gomez iyadoo la sheegayo inuu u dhaqaaqi karo Newcastle isagoo qeyb ka ah heshiiska Anthony Gordon.

Gomez, oo ku biiray Liverpool 2015, ayaa seddex sanno ka hartay qandaraaskiisa kooxda Ingiriiska.

Wararka ayaa soo jeedinaya in laga yaabo in loo ogolaado inuu baxo si ay Newcastle Gordon ugu ogolaato in uu ku biiro Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga