Liverpool Oo Calaamadsatay Badalka Xabi Alonso.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay calaamadsatay laba badal oo ay u dhaqaaqi doonto hadii a waydo saxiixa Xabi Alonso.

Liverpool ayaa wada raadinta badalka Klopp oo xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedka.

Reds ayaa bartilmaameedka 1-aad ka dhigatay Xabi Alonso oo shaqo fiican ka haya kooxda Bayer Leverkusen xilli ciyaareedkan.

Laakiin Liverpool ayaan kali ku ahayn baacsiga Xabi maadama ay kooxda Bayern Munich doonayso saxiixa tababaraha reer Spain.

Sida laga soo xigtay Telegraph, Reds ayaa tababaraha Sporting Lisbon Ruben Amorim Iyo tababaraha xulka qaranka Germnay ee Julian Nagelsmann u calaamadsatay badalka Xabi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga