Liverpool, Arsenal Mise Man City? Supercomputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier Legaue.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu cad cad ku guulaysiga horyaalka premier League sida uu qabo Opta supercomputer.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa laba dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka Premier League ka dib markii ay guul soo laabasho leh ka gaadheen kooxda Brighton Axadii.

Dhinaca kale Arsenal iyo Man City ayaa dhibco lumiyay kadib markii ay bar-baro gool la’aan ah ku galeen Etihad Axadii.

Natiijadaas ayaa Arsenal dhigay kaalinta 2-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya Liverpool halka ay Man City ku jirto kaalinta 3-aad ku jirto.

Supercomputer ayaa haatan 47%.7 siiyay Liverpool fursad ah in ay ku guulaysato premier Leage xilli ciyaareedkan iyada oo 9 kulan ka dhiman tahay horyaalka.

City ayaa loo arkaa kooxda 2-aad ee ugu cad-cad horyaalka iyayga oo haysta 45.9% fursad ah in ay ku guulaysato horyaalka halka ay Arsenal kaliya haysato fursad 18.8%- kadib bar-barihii Man City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga