
Kooxda Liverpool ayaa si weyn u mashquulsanaan doonta maanta suuqa kala iibsiga iyada oo kooxdu doonayso in ay dhamaystirto laba saxiix oo muhiim u ah.
Liverpool ayaa xalay saqdii dhexe Newcastle kala heshiisay saxiixa xiddiga Alexander Iska kaas oo ku kacaya heshiis rikoodh ah.
Liverpool ayaa haatan haysta ilaa 12 habeenimo ee caawa in ay si buuxda ugu dhawaaqdo heshiiska una dhamaystirto.
Reds ayaan halkaas ku joogsan doonin waxana ay sidoo kale doonaysaa kuna dhawdahay saxiixa daafaca dhexe ee Marc Guehi kaas oo ay kala soo wareegayso Crystal Palace.
Liverpool ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Palace iyaga oo doonaya in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara.
Be the first to comment