Liam Delap Oo Sharaxay Sababta Uu U Diiday Man United Una Doortay Chelsea.

Liam Delap ayaa sheegay in gaajada iyo rabitaankiisa ku aadan ku guuleysiga koobabka waaweyn ay qeyb weyn ka aheyd go’aankii uu ugu biiray Chelsea.

Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Delap kaas oo dhamaystiray heshiis 30 milyan ah oo uu kaga soo biiray kooxda Ipswich.

22-sano jirkaan, oo soo maray akadeemiyada Manchester City, ayaa qalinka ku duugay heshiis lix sano ah oo uu ku joogayo Stamford Bridge, isagoo ku xiray Blues ilaa 2031.

Waxay timid ka dib markii Delap uu ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horeeyay ee Premier League ee kooxda dhibtooneysa ee Ipswich, isagoo dhaliyay 12 gool iyo labo caawin 37 kulan oo uu saftay.

Man United ayaa si xoogan ugu tartamaysay saxiixa xiddiga Delap laakiin waxa uu iska diiday United isaga oo ka doortay Chelsea.

“Waxa iigu muhiimsan xagaagii hore waxa ay ahayd in aan aado meel aan ka ciyaari karo daqiiqado badan,” ayuu Delap u sheegay website-ka rasmiga ah ee Chelsea.

“Gaajo iyo rabitaanka ah in aan ku guulaysto koobab ayaa keentay in aan iska diiday Man United kuna biiro Chelsea”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga