Lamine Yamal oo soo bandhigay sababta isaga uu umudan yahay kubada dahabka ?

0

Xiddiga Lamine Yamal ayaa ka hadlay hamigiisa ah inuu ku guuleysto Ballon d’Or, isagoo sidoo kale rajo ka muujiyay inuu xulka Spain kula guuleysan karo Koobka Adduunka.

Yamal ayaa sheegay in sanadkii hore uu seegay Champions League, balse uu doonayay inuu ku guuleysto Ballon d’Or, halka sanadkan uu indhaha ku hayo koobka adduunka:- “Sanadkii hore, waxaan seegay Champions League si aan ugu guuleysto Ballon d’Or. Sannadkan, waxaan haystaa Koobka Adduunka!”

Advertisment

Markii la weydiiyay fursadda uu u leeyahay inuu gaaro guulahaas, Yamal wuxuu si kalsooni leh ugu jawaabay:- “Fursaduhu xaqiiqdii way jiraan.”

Hadallada Yamal ayaa muujinaya sida uu 19-jirka Barcelona iyo Spain u leeyahay hammi weyn, isagoo doonaya inuu xilli ciyaareedkan isku daro guulo shaqsiyeed iyo kuwo xulkiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here