Lamine Yamal oo ka hadlay farsamadii cajiibka ahayd ee uu ku caawiyay Anthony Gordon

0

Xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal ayaa ka hadlay farsamadii uu adeegsaday markii uu caawinta goolka u sameeyay Anthony Gordon kulankii ay Barcelona la ciyaartay Galatasaray ee Champions League.

Yamal ayaa farsamadii uu kubadda ku dhaafay daafaca kooxda ka soo horjeedday ku tilmaamay mid u dhow Rabona, oo ah farsamo kubadda lagu laado ama lagu gudbiyo iyadoo lugta la isdhaafsanayo.

Advertisment

Isagoo la hadlayay CBS Sports, ayuu yiri: “Waxaan ku dhowaaday inaan ugu yeero Rabona, malaha waa nus-Rabona!”

Wuxuu intaas ku daray: “Xilligaas, si dabiici ah ayay iiga soo baxday, wax walbana si fiican ayay u shaqeeyeen, taasoo ii suuragelisay inaan caawinta goolka u sameeyo Gordon.”

Caawintaas ayaa timid kaddib markii Yamal uu farsamo cajiib ah ku dhaafay daafaca, dabadeedna kubadda u gudbiyay Anthony Gordon, kaasoo shabaqa soo taabtay.

Yamal ayaa kulankaas bandhig heer sare ah sameeyay, isagoo laba caawin ka sameeyay guushii Barcelona ay 4-1 kaga adkaatay Galatasaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here