Laba Xiddig Oo U Ciyaara Man United Loo Sheegay In Ay Isaga Tagaan Kooxda, Sabab.

Halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo ayaa labada Xiddig ee ay isku dalka yihiin ee Anthony iyo Casemiro ka codsaday in ay isaga tagaan kooxda Man United.

Casemiro ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Red Devils oo uu u dhaqaaqayo horyaalka Sacuudiga xagaaga soo aadan.

Dhinaca kale Anthony ayaan xilli ciyaareed fiican la qaadan Red Devils, maadaama uu xilli ciyaareedkan hal gool ka dhaliyay horyaalka Ingiriiska.

Rivaldo Oo la hadlay wargayska Metro ayaa yidhi””Weli waxaan sheegayaa in Anthony uu yahay ciyaaryahan weyn.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa uu hadda ka hor u ciyaaray koobkii adduunka ee Brazil”

Wuxuu sii waday: “U guurista koox ka dhisan Spain, Germany ama Italy waxay noqon kartaa furaha horumarkiisa hadda, waxaan u maleynayaa inuu ku haboon yahay koox kasta oo weyn oo ka tirsan Isbaanishka, tusaale ahaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan sidoo kale u malaynayaa in ay muhiim u tahay Casemiro uu raadsado koox kale, haddii ay dhab ka tahay in ay u soo laabtaan u ciyaarista Brazil”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay: “Sida aan soo sheegnay, Manchester United ma ahan kooxdii ay horay u ahaan jirtay, waana cadaalad darro in Casemiro lagu dhaleeceeyo taas.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga